Sh Cali Warsame iyo Sh Maxamuud Xaaji oo muxaadaro wada jir ah ka jeediyey Masjid Jaamaca Laascaanood.[Masawiro]‏

January 8, 2015 - Written by Editor

IMG_4763 [Max Width 1024 Max Height 768]Laascaanood:-Sh.Cali Warsame Xassan iyo Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culimada waawayn ee Soomaliyeed ayaa caawa Muxaadaro wadajir ah ka galay Masjid Jaamac wayn ee Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Muxaadaradaan oo ay si wada jir ah u galeen 2-da Shiikh ayaa kaga hadleen Qabyaalada iyo Dhibaatada ay ku hayso Soomaalida iyo in la faansiiyo Qabiil iyo Qabyaalada waxay ku kala duwan yihiin.

Culimadaan oo si wanaagan  faahfiihiyay Shareecada sida ay uga hadashay u jeedadii Alle [SW] ugu tala galay Qabiilka iyo halka uu dhigay Qabyaalada , ugu horayn Culimadu waxay Sharaxeen Bal Waxa la yidhaahdo Qabiil iyo Qabyaalad, iyo halka ay iska taagtay Shareecadu.

Sida ay sheegeen Culimadu Qabyaaladu Waa :Qabyaaladu waa inaad la jirtid Qabiilkaaga gar iyo gardaraba, Miisaanka aad dadka ku fiirinaysidna uu noqdo Qabiilka sharaf iyo la’aanteed intaba.

Qabilkuna :Waa in Qofku loogu soo hagaago nasab iyo ehel uu  ka dhashay oo uu ka soo Jeeda Qofku , si ehelka qofkani ay Ilaaliyaan dhibaatooyin badan oo soo gaadhaydiyo in Dadku nolosha aduun ee lagu wada nool yahay la isu wada guto Waajibaadkii ay isku lahaayeen Qaraabada guud iyo mid Qof ahaaneed.

Dhinaca kale waxaa Masaajid ka weyn ee Masjid Huda Muxaadaro uu galay Dr Sh Xasan Sh Cali Warsame Ilaalinta Diinta Alle ayuu kaga hadlay Muxaadaradiisa Shiikhu .

no images were found

Mawliid Isma Haradigeed
Somalia, Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online