Sheekh Maxamed Umal iyo Sh C/qaadir Boobe oo wili ku sugan Nampula (Masawiro)

January 31, 2015 - Written by Editor
IMG-20150130-WA0034Nampula:-Waxaa maalinkii 9aad galay booqashadii ay culimada ku joogeen nampula oo ahayd safar dacwo, culimada oo aad ugu mashquulsanayeen  baryahan kulamo ay la lahaayeen jaaliyada soomaalida iyo ducaada nampula iyo muslimiinta wadanka u dhashay iyo muslimiinta kale ee ka yimid wadamada kale.
wafdiga culimada oo u hogaaminaayay sh umal ayaa waxay shalay la kulmeen jimciyaadka islaamiga ee wadanka ka dhisan mid ka mid ah ayadoo ay is dhaafsadeen culimada iyo mas,uuliyiinta jimciyada afkaar ku saabsan sidii loo hormarin lahaa dacwada wadanka muzambiik si guud iyo si gaar ah jaaliyada soomaalida.
sidoo kale culimada waxay kulan la yeesheen caawa oo ah jimce badal cishaa qaar ka mid ah mas, uuliyiinta jaaliyada galbeedka afrika culimadooda, waxaana si wayn labada dhinacba ay u lafa gureen xiriirka dacwada ee labada dhinac iyo sida loogu baahanyahay in la xoojiyo ayadoo ay goob joog ahaayeen ka sakoow culimada uu hogaaminaayo sh. umal qaar ka mid ah ducaada nampula ee soomaalida ah.
waxaa intaa u dheer in culimada ay galaayeen ka sakoow kulamadaa muxaadaraadkii dadka lagu wacyi gelinaayay maalintii isniinta bacdal maqrib waxa galay masjidka abiibakar ( doonitaanka sare) sh.maxamed aadan abdile, habeenkii talaadada bacdal maqribna waxaa galay ( sunada iyo bidcada) sh. umal oo ku jeediyay luuqada carabiga ayadoo looga tarjumaayay afka fulaaaniga oo ah luuqad ay ku hadlaan dad badan oo ka mid ah shucuubta galbeedka afrika dega.
Arbacadii  bacdal maqrib waxaana masjidka abiibakar muxaadaro ka jeedshay sh. xudayfe Raage  (musiibada carabka)
waxaa sidoo kale xalay oo khamiis ahayd bacdal maqrib muxaadaro ka jeediyey isla Masjidka Abu Bakar sh. c/qaadir boobe oo ka hadlay ( ducada in ay cibaada tahay)
Khudbadii Jimcaha waxaa Masjidka Abu Bakar ka jeediyey Sh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay nimcooyinka allah nagu manaystay
Duruustaa culimada ayaa dhamaan waxaa uu ahaa masaajidka mid camiran oo si wayn looga faa,iidaysanaayay ayadoo dhamaan bulshada muslimka ah ee ku nool nampula si isku mid ah ay uga fa,iidaysanaayeen.
Maanta oo ah sabti ah 31/01/2015 ayaa waxaa jira kulan balaaran oo ay culimada la yeelan doonaan jaaliyada soomalida ee nampula hadii allah yiraahdo, kulankaa oo ka dhici doono masjidka ayaa waxaa uu dhici doonaa bacdal casar beri insha allah.
waxaa la filayaa culimada in safarkooda ay ku joogaan nampula uu soo gabagaboobo maalinta khamiista oo ay bisha tahay 05/02/2015 inta ka horaysana waxaa qorsheesan muxaadaraad iyo kulamo kala duwan oo jaaliyada iyo muslimiinta kalaba ay la yeelan doonaan culimada hadii allah yiraahdo.

no images were found

safarkan ka dib ayaa waxaa la filaayaa wafdigan culimada ah ee u hogaaminaayo sh. umal in ay booqasho safar dacwo ah ku tegi doonaan dalka Zambia hadii allah yiraahdo.
MOHAMED AADAN ABDILE
NAMPULA,  HALGAN.NET

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online