Sheekh Maxamuud Shible oo Muxaadaro ka jeediyey Masjidka Imaam Shaafici ee Sout Afrika

January 17, 2015 - Written by Editor

sh13Johannesburg:-Waxaa habeenimadii 16/01/2015 jimcada ahayd bacdal maqrib ku qabsoomay Masjid Imaamu Shaafici ee magaalada Johannesburg muxaadaro aad u qiimo badneed oo uu soo jeedinaayay sh. Maxamuud Shibli oo dhawaanahanba u joogay koofur afrika ka qayb-galka mu,tamarkii 5naad ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

Muxaadarda oo uu ahaa cinwaankeedu (al amaanah) ayaa waxaa ka faa,iidaystay oo dhagaysanayay dad ka badan 1000 qof oo rag iyo dumarba isugu jiray, sheekha oo ay ka codsadeen cinwaankan qaar ka mid ah ducaada ka dib markii la dareemay gaabin wayn oo xaga amaanada ayaa waxa uu sheekha si faah-faahsan uga hadlay amaanada maalka asagoo qur,aanka iyo axaadiista nabiga scw labada si isku mid ah ugu soo naqliyay amaanada iyo muhiimada ay qofka muslimka ah u leedahay.

Markii uu sheekha bogay muxaadarda ayaa waxaa uu ka jawaabay su,aalo fara badan oo dadku u hamuun qabeen in laga shaafiyo, ayadoo waqtigii loogu talagalay muxaadarada ay dhaaftay 25 daqiiqo su,alaha oo uu sheekha ka jawaabeeyay daraadood.

Intaa ka dib markii la tukaday salaada cishaha ayaa waxaa qaar ka mid ah jamaacadii oo ay hogaaminaayaan mas,uuliyiinta al-bayaan iyo sheekhaba u dhaqaaqeen dhanka garoonka maadaama sheekha uu safraayay saacado un ka dib dalkii Kenya, waxaana sheekha u galbiyay garoonka diyaaradaha wax ka badan 7 gaari oo dhamaan ay saarnaayeen culimo, odayaal, mas,uuliyiin, iyo dhalinyaraba

Waxaa xusid mudan in maalintii jimcada 16/01/2015 uu sheekha galay khudbada jumcada masjidka shaafici Johannesburg khudbadaa oo uu sheekha uga dhigay cinwaan (daaficitaanka nabiga scw) asagoo sheekha si faah-faahsan uga hadlay nabiga scw oo ay mar kaste gaalada ay aflagaado iyo dhibaato ku hayn jireen loona baahanyahay anaga muslimka ah in arintaa ay nagu bixiso in nabiga swc dacwadiisa fidinteeda in aan sii lab-laabno, akhlaqdiisa suubaneedna dadka aan gaarsiino ayadoo ay noo sii siyaadinayso arintaa gaalada ay ku samaynaayaan nabiga in aan sii jeclaano scw.

Sheekh shibli oo u yimid koofur afrika ka qayb-galka mu,tamarkii 5nad ee la soo gabagabeeyay ayaa waxaa uu ka soo degay garoonka 22 dec sanadkii hore dhamaadkiisa asagoo soo maray intii uu joogay meelo badan oo dalka ka mid ah sida, Johannesburg, Pretoria, Rustenburg, capetown, east-london.

no images were found

Sh. Shibli ayaa ah sheekhii ugu danbeeyay ee ka anbabaxa dalkan culimadii sanadkan mu,tamarka u timid oo dhamaan ku laabtay meelihii ay ka imaadeen arintaa oo uu allah ku mahadsanyahay

WAXAA DIYAARIYAY
MAXAMED AADAN ABDILE
MADAXA DACWADA GOBOLKA GAUTENG
EE JOHANNESBURG

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online