Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Masawiro)

January 10, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Waxaa goordhow si rasmi ah uga furmay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho Shirkii 53aad ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, waxaana shirka si rasmi ah u furay Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha DFS ayaa shirka markii uu furay ka dib khudbad kooban ka jeediyey shirka waxaana uu ka warbixiyey waxqabadka dowladiisa iyo guulaha laga gaaray dagaalka ay DFS iyo AMISOM kula jiraan  kooxda Al-Shabaab waxaa kale uu ka hadlay Madaxweynaha DFS hiigsiga sanadka 2016 ee la filayo in doorasho ay ka dhacdo Soomaaliya .

Shirka  IGAD uga furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibada dalalka IGAD,  Itoobiya ,Kenya, Jabuuti iyo South Sudan, wadamada Sudan iyo Ugandha ayaa waxaa shirka uga qeybgalay wasiiru dowlayaasha arrimaha dibada.

no images were found

Shirka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ah xubno ka socda beesha caalamka waxaana shirkan ay wasiirada arimaha dibada ay diirada ku saari doonaan amaanka iyo hiigsiga 2016.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online