Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Oman (Masawiro)

January 19, 2015 - Written by Editor

Oman 6Muscat :-Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Muscat Wasiirka Arrimaha Dibadda Sultanate Oman H.E. Yusuf bin Alawi bin Abdullah oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal u dhaxeeya .

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa booqashada uu ku joogo dalka Sultanate Oman ay ka dambeysay cazuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi .

Sultanate Oman ayaa dib uga furan doonta Caasimadda Muqdisho safaaraddii ay ku laheyd oo si rasmi ah loo xiray markii dagaalo sokeeye ay ka bilowdeen dalka Soomaaliya January 1991.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sultanate Oman bixinta qoondada kaga aadan dalkaasi yabooha maaliyadeed ee Ururka Jaamacadda Carabta uu ku dhawaaqay inuu ku taageerayo Miizaaniyad sanadeedka dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaareysa $ 10 million USD .

no images were found

Xiriirka Soomaaliya iyo Sultanate Oman ayaa bilowday  sanadkii 1390 ( Miilaadiyah), waxa uu ku tiirsanaa is dhaafsiga ganacsiga , aqoonta iyo dhaqanka , iyadoo Maamulkii ka jiray Sultanate Oman xilligaasi uu xiriir xoogan kala dhaxeeyay Maamuladii kala duwanaa ee Soomaalida sida  Imaaradii Punt , Adal Sultanate , Ajuran Sultanate iyo kuwa kale.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online