Soomaalida & Adduunka! (Diriishadda Nairobi) W/Q Sh Maxamed Idiris
January 23, 2015 - Written by EditorNairobi:-Dadka Soomaalidaa dadnimadu kuma yara, hankoodu ma xuma, indha adaygana qayb weyn ayey ku leeyihiin, oo midkood isagoo hadda baadiye ka soo galay ayuu magaalada dhan jecelyahay inuu iibsado, marar badanna wey u suurta gashaa!
Ilbaxnimadu kuma badna (xadaaradda) waayo waa dad xoola dhaqato u badan. Reer Guuraana ah. Professorkooda Jaamacadaha Adduunka ugu Sarreeya ka baxay iyo Ummigooda aan Xarafka kicin karin, marar badan isku si ayey u dhaqmaan oo lama kala garto!
Maadaama ay reer guuraa baadiye ka wada yimi u badan yihiin, Qabyaaladda ayaa Salka Fadhida, oo markii xoogaa yar la dhudhumiyo, halkaas ayuu gunta isugu biya shubtaa, ama kusoo ururaa!
Ummadaha Ilbaxnimadu Xoogaa ku duxdo, wexey qiimeeyaan Qaran nimada, laakiin Kuwa baadiyihu wexey Qiimeeyaan Qabyaaladda! Kuwa hore Wadajirk ayaa ku weyn, Kuwa dambe Reerka Keliya ayaa la weyn! Kuwa hore si fog ayey u fekeraan illeen waa deggan yihiin, kuwa dambe daaqa maalintaas ayey ku fekeraan illeen berri waa ka guurayaan.!
Magaalada Nairobi waxaan ku Arkay Cajaa’ib, markaan Cabbaar u fiirsaday, fasirkooda aan arrimahaas ku Cilleeyey, Ceeb maaha laakiin waa Cibro, waxaanan rajaynayaa in faalladaa laga Faa’iidaysto.!!
Asxaabtayda Nairobi ama dalka Kenya waa dadka ugu badan ee Boggayga facebook ku xiran marka Soomaaliya laga Reebo, Mar marna iyagaaba kow ah, marka ayaamahaan oo aan u kuur gelayey aan idin la wadaago dhamaan inshallaah.
La soco….qaybaha kale
W/Q Sh Maxamed Idirs