Taliyaha ciiidamada Puntland Gen. Siciid Dheere ”Dagaalka Buuraha Golis waxaa uu galay wajigiisii 3aad”.[Dhagayso]

January 10, 2015 - Written by Editor

Gen_Siciid-DheereGalgala:-Taliyaha ciiidamada difaacada dowladda Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheer) oo ku sugan deegaanka Diin digle oo talis u ahayd ciidanka Al-shabaab ee dagaalka kula jira Puntland ayaa waxaa uu saxaafadda u sheegay in dagaalka ka dhacay maalmihii la soo dhaafay Buuraha Golis ama Calmadow uu galay wajigisii 3aad isagoo ka warbixiyey khasaarihii ka dhashay dagaaladii ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku teedsan Buuraha Golis.

Taliyaha ciiidamada difaacada dowladda Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheer) ayaa waxaa uu xusay in khasaaro baaxad leh ay gaarsiiyeen ciidanka Al-shabaab dagaalkana ay ku qabteen Taliyihii ciidan Al-shabaab ee Galgala Mukhtaar Cabdinuur Axmed kuna magac dheer Axmed Guray halka ku xigeenkiisa ay dileen.

Taliyaha ciiidamada difaacada dowladda Puntland Gen Siciid Dheere ayaa waxaa uu sheegay sidoo kale in ay Al- shabab ka dileen 57 askari oo ay 10 ka mid ah ay yihiin saraakiil caan ah waxaa kale oo uu sheegay in tiro intaas ka badan ay ka dhaawaceen.

Dhinac khasaaraha soo gaaray ciidanka Puntland ayaa Taliyaha ciiidamada difaacada dowladda Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheer) uu ku sheegay ilaa 6 askari oo dhimasho ah iyo 7 kale oo dhaawac ah isagoo sheegay in dagaalkii ugu danbeeyey uu dhacay 06.01.2014.

Taliyaha ciidamada difaacada dowladda Puntland Gen Siciid Dheere ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda VOA waxaa uu uga waramay dagaalada ka socda Buuraha Golis iyo khasaaraha ka dhashay.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Idaacadda VOA la yeelatay Taliyaha ciiidamada difaacada dowladda Puntland Gen Siciid Dheere.

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/lkib2rq1b5/SiciidVOA.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Taliyaha ciiidamada difaacada dowladda Puntland Gen Siciid Dheere ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in mar walba oo ay shabaab ku jabiyaan dagaalka laga soo taakuleeyo maamulo daris la ah Puntland iyagoo siiya hubka, si aysan awood Al-shabaab u wiiqmin oo dagaalka ka socda Soomaaliya loogu soo xawilo Puntland waa arrin cad balse kuwa arrimhaas ka shaqeeya ama gacmaha kula jira waa ognahay waase ay ka shalaayi doonaa haddi Alle idmo

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Gen Siciid Dheere ayaa meesha ka saaray in wax taageero ah ay ka helaan dowladaha ay ciidamada ka joogaan AMISOM wuxuuna sheegay in ciidanka Puntland ay isaga filan yihiin kooxda Al-shabaab.

Afhayeenada ururka Al-shabaab ayaan ilaa haatan ka hadal dagaalada ka dhacay buuraleyda Golis oo ay Puntland guul ka sheegatay.

Hoos a Dhagayso shirka Jaraa’id ee uu Taliyaha ciiidamada difaacada dowladda Puntland Gen Siciid Dheere ku qabtay deegaanka Diin digle

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/rdrnz8o8ho/SiciidDheere1.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online