Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Gen Siciid Dheere oo shirjaraa,id ku qabtay Galgala

January 10, 2015 - Written by Editor

jen_SaciidGaroowe:-Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Jen Siciid Dheere ayaa Shrjaraa,id ku qabtay  deegaanka Galgala waxaana uu ka warbixiyey howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee socday maalmihii la soo dhaafay.

Jen Saciid Dheere ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in howlgalada ka socda  buuraleyda Golis ay guulo weyn ka soo hoyeen ciidanka Puntland isaga oo intaas ku daray in ay saldhigyo kala duwan iyo sahay ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab.

Jen Siciid Dheere ayaa waxaa uu sheegay sidoo kale in ay  Alshabab ka dileen 57 askari oo ay 10 ka mid ah ay yihiin saraakiil caan ah waxaa kale oo uu sheegay in tiro intaas ka badan ay ka dhaawaceen .

Saraakiisha ciidanka Puntland ee Aaga Galgala ayaa warbaahinta ugu yeeray waxaan halkaas warbaahinta kula hadlay Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Jen Siciid Dheere.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Gen Siciid Dheere ayaa ku faanay in ay iyagu howlgalada qaadeen wuxuuna sheegay in ay sii socon doonaan inta laga saarayo kooxda Al-Shabaab deegaanada Puntland gaar ahaan buuraleyda Golis.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Gen Siciid Dheere ayaa sheegay in Maamulo daris la ah Puntland ay taageero u fidiyaan Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay aakhirka iyaga dhibaato u geysan doonaan ayna ka shalaayi doonaan.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Gen Siciid Dheere ayaa meesha ka saaray in wax taageero ah ay ka helaan dowladaha ay ciidamada ka joogaan AMISOM wuxuuna sheegay in ciidanka Puntland ay isaga filan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenada kooxda Al-Shabaab ayaan ilaa haatan ka hadal dagaalada ka dhacay buuraleyda Golis oo ay Puntland guul ka sheegatay.

Wixii war ah ee ka soo kordha buuraleyda Golis kala soco Halgan.net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online