Tartan Qur’aan Aqrin heer caalami ah oo ka furmay magaalada Khartuum ee dalka Sudan. [Masawiro]

January 12, 2015 - Written by Editor

DCIM100MEDIASudan:-Musaabaqadani Quraan Aqrinta ah oo sanad walba lagu qabto magaalada caasimada u ah dalka Suudaan ee Khartoum ayaa waxaa ka qeyb qaata In ka badan 50 Dowladood oo caalamka Islaamka ka mid ah.Tartanka oo uu maal galiyo Madaxwey naha Sudaan Cumar Xassan Al-bashiir ayaa waxaa soo qaban qaabiya Markaz lagu magacaabo Khartoum international holy Quran Award جائزة الخرطوم الدولية للقران الكريم  iyada oo Ardayda Xaafidul Qur’aanka Soomaalida ahna ay ka mid yihiin kuwa ugu cad cad ee ka qeyb qaato Tartanka.

Sanadkaani waxaa ka qeybgalay Arday Somali ah oo matalaya wadankiisa Hooyo ee Soomaaliya iyo arday kale oo asna Somali ah laakiin matalayo Dalka Mareykanka oo uu dhalasho ka heysto.

Waxyaabaha ay Soomalidu la gaarka aheyd sidoo kale waxaa ka mid ahaa in Garsoorayaasha tartanka uu ka mid yahay Sh.Cabdirashiid Cali Suufi  oo ah Qaari caalamka oo dhan uu si weyn u ixtiraamo kaas oo in kabadan 6-qiraa’o ku duubay Quraanka Kariimka ah. Soomaliya waxa ay ka mid tahay wadamada caalamka ee ugu horeeya dhanka xifdiga quraanka kariimka ah iyo cod macaanida taas oo aad loogu ixtiraamo.

Waxaa xusid mudan in Bishii ramadaan ee la soo dhaafay tartan heer caalami  sidan oo kale ah ay saddexda arday ee ugu horeysay noqdeen Soomaali midkood uu ma talayay dalkiisa hooyo halka labada kalena ay matalayeen wadamo kale oo ay dhalasho Tajanus ah ka heysteen.

no images were found

Abdikamil Yusuf Mohamud.
Khartoum Sudan

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online