Madaxweynaha PL oo si weyn loogu soo dhoweeyay Qardho.[Masawiro]

January 17, 2015 - Written by Editor

DSC02724Qardho:-Wafdiga madaxweynaha dowladda Puntland oo ka koobnaa wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa saaka waxaa magaalada Qardho duleed keeda kaga hortagay masuuliyiinta Gobolka, Degmada, Odayaal, Aqoon yahano, haween iyo waxgarad kale.

Madaxweynaha ayaa marka uu soo gaaray magaalada Qardho waxa uu xariga ka jaray Afar wado oo laami ah iyo Garoonka Diyaaradaha magaalada Qardho oo in muda ah ku socotay dayactir balaaran oo lagu samaynayay Run way-ga iyo sidoo kale Terminalka.

Madaxweyaha ayaa ugu horayn xariga ka jaray wadada leendheere oo ah wadada ugu mashquulka badan magaalada waxana uu mudo ku dhex lugaynayay wadada leendheere asagoona halkaa kula kulmay bulsho badan oo halkaa ku sugnayd kuna dhawaaqayay madaxweyne soo dhawoow.

Intaa ka dib waxa uu u sii gudbay jidka Aada Dugsiyada ugu waawayn magaalada Qardho iyo Xaafada Shimbiraale, wadada isbitaalka, wadada kaleexata Dabaqa Indhoolka dhamaan wadooyinkan ayaa ah wadooyinkii magaalada laga hergaliyay sanadii 2014.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay u sii gudbeen garoonka diyaaradaha magaalada Qardho oo maalmo la hakiyay howlihii duulimaadyada ee ka soo degi jiray ka dib markii ay diyaaradihii kasoo degi jiray ay ka cawdeen dayactir la’aan ka jirta garoonka iyo iyadoo aan garoonka mudo la isticmaalin.

Madaxweynaha ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray aadna u amaanay shirkadihii iyo masuuliyiintii isku xilqaantay dayactirka garoonka maantana uu yahay garoon ay kusoo degi karaan dhamaan diyaaradaha Rikaabka iyo kuwa kaleba.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulamo uu la qaadan doonaa masuuliyiinta gobolka, Degmada iyo dhamaan odayaasha.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online