Walaaltinimada Islaamka iyo Sh.Maxamuud Barre Ciid

January 9, 2015 - Written by Editor

Walaaltinimada MuslimiintaGaalkacyo:-Muxaadaradaan ayaa waxay ahayd mid aad muhiim u ah waxayna ka dhacday masjidka abuu hurarayra ee magaalad Gaalkacyo , waxaan kasoo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada odayaasha dhalinyarada iyo haweenka, waxaana soo jeedinayay Sheekh Maxamuud Barre Ciid (Sahal).

Muxaadarada ayaa waxaa looga hadlay muhiimada walaalnimada islaamka iyo fadliga ay leedahay waxayna qaadatay wakhti aad u dheer wuxuuna sheekhu aad ugu dheeraaday kala saraysiinta dadka sida qabyaalada iwm wuxuuna sheegay in walaalnimada Islaamka ay tahay waxa kaliya ee isu keeni kara bulshsda musliimta ah gaar ahaan bulshada soomaaliyeed maadaama ay aad u kala fogaatay sababa la xiriir qabyaalada iyo bulshada soomaaliyeed oo aan dareen sanayn muhiimada ay leedahay walaatinimada islaamka.

Sh.Sahal wuxuu ugu hadlay Muxaadarada Qodobada kala ah:

1-Muhiimada ay leedahay Walaalnimada Islaamka: Umad walba waxaa ay ku taagan tahay isku xirnaan iyo midow hadii aysan taasi jirin awoodna malahan hormar iyo Sharafna haba sheegin.

2-Fadliga iyo dheeraadka ay leedahay Walaalnimada Islaamka:-
1- Waxay keentaan in Maalinta Aakhiro labada Islaamka ku walaaloobay ay harsadaan Harka Carshiga Alle maalinta uusan jirin har kale.

2-Waxay ka mid tahay Nimcooyinka Alle uu ugu mano sheegtay Muslimiinta قال تعالى : (اعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا واذكروا نعمة الله عليكم إذ كنتم أعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانا…)

3-Waxyaabaha Xoojinaya Walaaltinimada Islaamka: Walaaltinimada Islaamka waxaa xoojin kara:

B-Booqashada Alle hadiithul Qudsi wuxuu ku yiri : (Jacaylkaygu wuxuu u ahaaday kuwo dartay isku booqanaya)

T-Faafinta Salaanta : Nabigu wuxuu yiri : (ا تدخلون الجنة حتى تؤمنوا ولا تؤمنوا حتى تحابوا أولا أدلكم على شيء إذا فعلتموه تحاببتم أفشوا السلام بينكم)

J-Is gacan qaatka (Salaan) قال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏ما من مسلمين يلتقيان فيتصافحان إلا غفر لهما قبل أن يفترق

X-Booqashada Qofka Xanuunsan عن أبي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : ( حَقُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ خَمْسٌ : رَدُّ السَّلَامِ وَعِيَادَةُ الْمَرِيضِ وَاتِّبَاعُ الْجَنَائِزِ وَإِجَابَةُ الدَّعْوَةِ وَتَشْمِيتُ الْعَاطِسِ(

Kh-U gargaarida Dulmanahaقَالَ أَنَسٌ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” انْصُرْ أَخَاكَ ظَالِمًا أَوْ مَظْلُومًا

D-Yeelida Qofka kuu yeera (Cunto iyo wax wanaagsan) Danbiga laakiin maya.

R-Isu kaalmaynta waxa khayrka ah. قال الله تعالى : (وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإِثْمِوَالْعُدْوَانِ(

S-Ka fogaanshaha Dulmiga iyo gardarada عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: “الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ لَا يَظْلِمُهُ وَلَا يَخْذُلُهُ وَلَا يَحْقِرُهُ التَّقْوَى هَاهُنَا” وَيُشِيرُ إِلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، “بِحَسْبِ امْرِئٍ مِن الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ”

Sh- Isu turida iyo isku naxariisashada.قال صلى الله عليه وسلم : (مثل المؤمنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسد الواحد إذا اشتكي منه عضو تداعي له سائر الجسد بالسهر والحمى)

Dh- Isu ducaynta قال صلى الله عليه وسلم : ما من عبد مسلم يدعو لأخيه بظهر الغيب إلا قال الملك : ولك بمثل

C-Waanada iyo Xayrmiirida (Naseexo).

4-Miraha laga helayo Walaalnimada: Walaaltimada waxaa laga faaidayaa laba Faaido mid Aduun iyo mid Aakhiro:

Mida Aduun:-

– Midowga Musliimta

In ay meesha ka baxdo kala saraynta maciishada dadwaynaha.

– Waano iyo wax sheeg aan kala go’ lahayn.

– Horumar la dheeraado Umadaha kale.

Mida Aakhiro:-

– Janno

– Ka nabad galida Dhibaatooyinka Maalinta Qiyaamo.

Si kastaba ha ahaatee Muxaadarada ayaa waxaa ay ku soo gaba gabowday Talooyin Dhaxal galka ah oo uu soo jeediyay Sh.Muxamed Macalin Axmed.

C/laahi Sahal Maxamuud

Xafiiska Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online