Wasiirrada Arrimaha dibadda IGAD oo soo gaaray magaalada Muqdisho.[Masawiro]

January 9, 2015 - Written by Editor

unnamedMuqdisho:-Waxaa maanta soo  gaaray magaalada Muqdisho wafdi wasiiro arrimo dibadeed oo ka socda ilaa 7 dal oo ku bahoobay ururka IGAD, wasiiradaan arrimaha dibada ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho iyadoo maalinta beri uu u furmi doono Shirkii 53-aad ee Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka IGAD.

Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka kala yimid dalalka Kenya,  Uganda, Sudan, Itoobiya,Eritrea , Sudan iyo Koonfur Sudan.

Shirka maalinta beri furmaya ayaa waxaa shir-guddoomin doona wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya oo ah madaxa golaha wasiirrada arrimaha dibadda IGAD, Dr. Tedros Adhanom iyo sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi raxmaan Ducaale Beyl.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filyaa in caawa madaxtooyada Villa Soomaaliya uu casho sharaf ugu sameeyo wasiirada arrimaha dibada Kenya Amina Mohamed , wasiirka Arrimaha dibada dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirada arrimaha dibada Uganda, wasiirka Arrimaha Dibada Koofurta Sudan iyo wasiirka arrimaha dibada dalka Sudan.

Wafdiga Wasiiradda arrimaha dibada  IGAD ayaa waxaa la dejiyey  Hotel SYL  ee magaalada Muqdisho oo ah Hotel dhawaan si wanaagsan loo dayactiray iyadoo la suray calamada 7 dal ee IGAD.

no images were found

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online