Wasiirka waxbarashada PL oo la kulmay wafti ka socda Dowladda Maraykanka iyo Hay’ada USAID
January 29, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya iyo hay’adda gargaarka caalamiga ah ee US-AID.
Wasiir Cali Xaaji Warsame ayaa Wafdiga uga mahad-celiyey imaatinkooda Puntland iyo booqashada ay ku yimaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.
Kullanka Wasiirka iyo Saraakiisha ka socotay Safaaradda Maraykanka ee Soomalia iyo Hay’adda US-AID ayaa diiradda lagu saaray ka qaybqaadashada hormarinta Waxbarashada Puntland iyo sidii loo Kordhin lahaa kaalmada ay ku bixiso Hay’adda US-AID Barnaamijka Hindisaha hormarinta hoggaanka dhallin yarada Somaliyeed , Sidoo kale intii uu kullanku socday ayaa waxaa laga wada hadlay sidii dhallinyarada Puntland loogu abuuri lahaa shaqooyin iyo xirfado ay ku shaqaystaan si looga baxo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka.
Wakiilada ka socday Safaaradda Maraykanka ee Somalia iyo Hay’adda US-AID ayaa dhankooda ballanqaaday inay qodobada shirkaa looga wada hadlay ay wax weyn ka qaban doonaan ayna si dhow uga shaqayn doonaan hormarinta Waxbarashada Puntland iyo sidii shaqo abuur iyo xirfado loogu samayn lahaa dhallinyarada Puntland si loo soo afjaro shaqo la’aanta ka jirta dalka.
Wafdiga ayaa intii ay ku sugnaayeen xarrunta dhexe ee Wasaaradda waxay booqasho ku mareen xafiisyada Wasaaradda xilligaa oo ay ka socotay shaqo maalmeedka Wasaaradda, waxayna wafdigu aad ula dheceen shaqada ballaaran ee ka socota Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayagoona uga mahad celiyey Madaxda Wasaaradda iyo shaqaalaha Wasaaradda shaqada baaxadda weyn ay u hayaan dalka.
Ma’ahan markii ugu horaysay ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland ay soo booqdaan Wafuud ka socota beesha caalamka iyo Hay’adaha ka shaqeeya hormarinta Waxbarashada ee bah-wadaagta la’ah Wasaaradda Waxbarashada waxayna Booqashada Wafdiga ka socday Safaaradda Maraykanka ee Somalia iyo Ha’adda US-AID uu ku soo beegmayaa xilli bartamii Asbuucaan.
Wasaaradda Waxbarasha Puntland ay ku guulay satay Ansixinta Manhajka Waxbarashada Puntland oo soo socday muddo afar-sano ah ayna Puntland yeelatay Manhaj Waxbarasho oo dhamaystiran.
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO
TACALIINTA SARE, DOWLADDA PUNTLAND