Xaflad heer sare ah oo magaalada Copenhagen loogu sameeyay Boqor Burhaan.[Masawiro]

January 30, 2015 - Written by Editor

8Copenhagen:-Boqorka beelaha Soomaaliyeed Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa xalay ku soo gabagabeeyay magaalada Copenhagen, safarkii uu ku marayay dalalka Scandinavian (ka). Waxaa Boqorka lugu soo dhoweeyay xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay,xaflad-boqoreedka waxaa isugu yimid Soomaali fara badan oo ku nool Denmark.

Xafladda waxaa ka hadlay waxgarad, isimo iyo haween. Abwaanad Xaliima Soofe ayaa halkaas ka tirisay buraanbur qiiro leh oo runtii shucuurta dadkii goobjoogga ahaa kicisay.

Dadkii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sh. C/rahmaan Abyad oo ka hadlay muhimada ay leedahay ballamada oo la oofiyo,Sheekhu wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay oo xusay balan qaadkii ahaa in “Qasri” boqortooyadu leedahay laga dhiso magaalada Qardho.

Wuxuuna goobta ka caddeeyay inay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dhismaha qasrigaas ka dib
waxaa munaasabadda ka hadlay Boqor Burhaan, wuxuuna ugu horreyntiiba u mahad celiayay dadkii soo qabanqaabiyay xafladda. Boqorku wuxuu sheegay inuusan xaflad la mid weli arag, welibana ay ahayd tii ugu xiisaha badneyd intii uu ku jirey safarka.

Wuxuu kale oo sheegay inuu awal goostay inuu safarkiisa kusoo gabagabeeyo magalaada Copenhagen, maadaama uu filayay in sidaan wax u dhici doonaan. Ugu dambaystii, boqorku wuxuu ugu duceeyey Ummadda soomaaliyeed In Ilaahay quluubtooda isu soo celiyo iyo inay is cafiyaan oo ay wadankooda wax u qabtaan.

no images were found

Farah Yassin Osman
Fyok78@hotmail.com
Denmark

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online