Xaflad lagu furayey Mac-had Shareecada lagu baranayo oo lagu qabtay Masaajidka Hidaaya ee Nairobi [Masawiro]
January 22, 2015 - Written by EditorNairobi:-Xaflad lagu furayey mac-had shareecada lagu baranayo ayaa lagu qabtay masaajidka hidaaya ee magaalada Nairobi.Xafladdan oo heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa furitaankeeda ka soo qeyb galay culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya qaarkood, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen.
1- Sh. Maxamed Cabdi Umal.
2- Sh. Maxamuud Shibli.
3- Sh. Xasan Ashkir.
Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay maamulaha mac-hadka Madiina, Dr. Cabdicasiis, wuxuuna ka sheekeeyey qaabka uu u socon doono mac-hadka iyo duruusta lagu dhigi doono, isagoo carrabka ku adkeeyey in mac-hadkan baahi weyn loo qabay furitaankiisa.
Dr. Cabdicasiis ayaa sheegay in mac-hadka Madiina ay ugu talo galeen in laba sano oo waxbarasho shareecada ah in lagu qaato, si ardayga ka baxa uu ugu qalmi karo inuu ka mid noqdo ardada jaamacadaha islaamiga ah, gaar ahaan jaamacadda Madiina ee caanka ah.
Intaas ka dib ayaa waxaa makarafoonka lagu wareejiyey Sh. Maxamuud Shibli, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu soo dhaweynayo furitaanka mac-hadka Madiina, isagoo ugu duceeyey in illaahay u sahlo ujeeddada laga leeyahay furitaanka mac-hadkan.
Sh. Xasan Ashkir ayaa sidoo kale madasha ka hadlay isagoo ku dheeraaday baahida loo qabo mac-had noocaan oo kale ah oo laga hir-galiyo xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
no images were found
Ugu dambeyntii ayaa waxaa munaasabadda soo gunaanaday Sh. Maxamed Cabdi Umal, isagoo la dar-daarmay ardada iyo macalimiinta, wuxuuna ku taliyey in la tayeeyo waxbarashada islaamiga ah, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in mac-hadkan uu wax weyn ku soo kordhin doono aqoonka shareecada.
Mac-hadka Madiina, ayaa is diiwaan gelintiisu ay socotaa, waxaana uu ku yaallaa dabaqa sare ee masaajidka Hidaaya ee xaafadda Islii, iyadoo daraasadu ay bilaaban doonto horraanta bisha soo socota haddii Illaahay idmo.
Halgan.net
Nairobi