Xaflad Natiijada Imtixaanka Ee Dugsiga Khadiija‏ (Masawiro)

January 24, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-01-22-20h09m17s247Garoowe:-Xafladaan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa kadhacday Masjidka weyn Alhuda ee magaaladda garowe waxaana lagu maamuusayay ardaydii kaalimaha hore kagashay imtixaanaadkii sanad dugsiyeedka 2013-2014.

Waxaana xafladaan kasoo qayb galay gudoonka waxbarshada gobolka Nugaal Culima awdiin Xildhibaanno Katirsan dowlada Puntland Waaridiin Iyo martisharaf aad utirabadan .

Waxaana ardadu ku soo bandhigtay xafladaan suugaan diini ah oo ay ku cabirayeen qiimaha ay leedahay wax barashadu iyo sidoo kale dhiirigalin ay u soo jeedinayeen macalimin tii wax soo bartay.

Waxaaana ugu horayntii xafladda kahadlay Maamulaha Mac hadka Khadiija Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax oo warbixin dheer kasoo jeedshay madasha isagoo sharaxaad dheer kabaxshay Mac Hadka iyo heerar kii uu sooo maray waxaana uu sheegay in lagafuray Mac Hadka Magaalooyin badan oo ku yaal kobolka waxaana kamid ah Tuuladda Qarxis.Tuuladda Xasbahalle .Tuulada Jalam . Iyo Degmadda Godob jiraan oo hada lawado Howsheeda isagoo dhan ka kale na balan qaaday in ay gayn doonaan in ta kale ee suurta galgaa Gobolka.

Waxaa iyana dhan kooda soo dhaweeyay Xafladaan Culimada Kala Ah Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf Iyo Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed Iyo Sh Axmed Cabdi Samad Iyago Ku tilmaamay In Tani tahay horumar ku dayasho mudan iyo goo culimadu dhan kooda balan qaaday in ay garab istaagayaan waxbarashada guud ahaan gaarahaan waxbarashada Diin ta islaamka lagu baranayo .

Waxaa isna goobta kahadlay Xaashi Xuseen Faarax Oo ah Gudoonka waxbarashada Gobolka Nugaal waxaana uu aradayda ugu baaqay in ay siiwataan wax barashadooda islamarkaana noqdaan kuwa bulshada wax ku soo kordhiya .

no images were found

Ugu dan bayn tii waxaa xaflaada Abaal marino qaali ah lagudoon siiyay arday dii kaalimaha hore kagalay imtixaanka.

Waxaana xaladda soo xiray Xildhaan Siciid Cabdi Samatar Ardaydana ugu duceeyay waxbarsahada islamarkaana kula dardaarmay dadaal iyo in ay xooga saaraan barashada diinta islaamka.

Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska Warbaahinta Alminhaaj Puntland
Nuurjaamac21@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online