Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo ka socota Buuhoodle.[Masawiro]

January 15, 2015 - Written by Editor

2Buuhoodle:-Waxaa saaka 7:00 subaxnimo ka bilowday magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn xaflad lagu caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe iyadoo madasha ay ka dhacayso xaflada ay ku sugan yihiin, Issimo, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Abwaano , Culimo’ udiin ,Ganacsato , Saraakiil ciidan iyo bulshada qaybaheedii kale.

Xaflada Caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe aya waxaa ka qayb galay wufuud fara badan oo ka kala yimid Gobolladda dalka Soomaaliya iyo qurbo joog ka kala yimid dalka dibadiisa , Xafladaan oo ah mid dhaqan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa  gudiga qaban qaabada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe ay ka fogeeyeen in la siyaasadeeyo si xafladu ugu dhacdo si wanagsan oo loo wada dhan yahay.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn isagoo ka soo socdaalay caasimadda Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya qaar ka mid ah golayaasha dawladda Puntland , saraakiisha ciidamada iyo xubno kale, waxayna soo  mareen deegaano fara badan oo ka tirsan Gobollada Sool iyo Cayn iyagoo soo dhoweyn aad u diirana kala kulmay dadweynaha deegaanadaasi, wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa uu ku yimi deegaanda ka tirsan Sool iyo Cayn, isla markaana uu sii joogi doono maalmaha soo socda.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn, waxayna dadweynuhu wafdiga madaxweynaha kaga hor yimadeen meel 50-km u jirta magaaladaasi.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online