Xaflada loo Qabtay Ardayda Collegeka Al-nuur ee magaalada Laascaanood(Masawiro)
January 24, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Ardayda Wax ka barata Koleejka Tarbiyada iyo tacliinta ee Al-Nuur Laascaanood ayaa maalimadii Shalay lagu Sagootiyey Xaflad Lagu Maamusayey Ardayda Kolleejkan , iyadoo lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.
Xafladan ayaa waxaa loo qabtay ardaydii dhamaysatay teeramkii 1 aad ee kolejku uu furnaa xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo, waxgarad, waalidiin iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.
Ugu horayna waxaa xaflada ka hadlay kalmad baraarujin ahna ka jeediyay Sh.Max’ud Max’ed Max’ud ‘Xaliike’ oo kamid ah maamulka kolejka iyadoo uu xigay bandhig qurux badan oo ay ardayda kolejka ku xaraysani kusoo bandhigeen wixii ay barteen, bandhigaas oo ahaa mid ay aad ula dhaceen dadweynihii kala duwanaa ee xafladan kasoo qaybgalay
Waxaa sidoo kale xigay kalmadii macalimiinta, waalidka iyo marti sharafta kale, ugu danbayna waxaa hadalka qaatay maamulaha kolejka Sh.Max’ed Sh.Aadam Weli oo ka warbixiyay furitaankii koleejka, heerarkii uu soo maray,waxa lagu barto, ardayda iminka dhigata, himiladooda, iyo in maamul, macalimiin iyo waalidba gacmaha laysu qabsado sidii ubadka waxna loo bari lahaa loona tarbiyayn lahaa.
Ugu danbayn waxaa halkaasi abaal marino lagu gudoonsiiyay todoba arday oo iyagu kaalmaha hore ku guulaystay, iyadoo xafladan ku soo gabagbowday farxad iyo duco waaliku u duceeyeen maamulka iyo macalimiinta kolejka Al-nuur.
no images were found
Halgan.net