Xafladii Caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo soo idlaatay.[Masawiro]
January 15, 2015 - Written by EditorBuuhoodle:-Waxaa Subaxnimadii saaka ka bilaabantay Xafladii lagu Boqrayey Garaadka Beesha Axmed Garaad, Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo buuxiyey booskii Garaadkii hore ee Garaad C/llaahi Garaad Soofe oo bishii Ramadaantii hore dhintay Allaha u naxariistee .
Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa waxaa ka soo qayb galay Odayaal dhaqameed, Garaado , Guurti , Cuqaal , Culumaa’u diin , Aqoonyahano , Ganacsato , Masuuliyiin , Madax, Haween , Ururada Bulshada , Sulaadiin , iyo Abwaano heer qaran ah ayaa gole joog ka ahaa, Xafladan Taariikhiga ah ayaa ka dhacaday beeraha balliga Buuhoodle .
Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa waxaa ka soo qayb galay Garaad Mashqare, Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaad Abshir Saalax ,Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Saleeban Burale ,Ugaas Cabdi Rashiid, sidoo kale Issimo, Salaadiinta, guud ee beelaha Isaaq, Gadabiirsi, Majeerteen , Warsangeli iwm.
Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland oo Eng. C/Xakiim C/Laahi Xaaji Cumar Cameey.
Ugu horreyn waxaa Munaasbada lagu furay Aayadaha Qur’aanka , iyo wacdi ay soo Jeediyeen Culimadu , waxaa xigay in laga soo Jeediyey Suugaan, Gabayo , iyo Geeraaro , Waxaa kale oo Madasha ka hadalay Odayaasha dhaqameedka Waawayn ee Beelaha ka oo qayb galay.
Waxaa lagu soo dhaweeyey Madasha Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng C/Xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Cameey , Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Xaglo toosiye iyo marti sharaf kale.
Gabagabadii ayaa waxaa Garaadka Beesha Axmed Garaad, Garaad C/Risaaq Garaad Soofe ku caana shubay Garaad Jaamac Garaad Cali, Xaflada caleema saarka ayaa waxaa ka soo qayb galay dad lagu qiyaasay 12,000 oo Qof ugu yaraan iyadoo ay hawshu u socotay si hab sami ah.
Xaflada caleema saarka Garaadka Beesha Axmed Garaad, Garaad C/Risaaq Garaad Soofe ayaa soo dhamaatay wajigii koowaad ee munaasabada iyado Soo afmeeri doonta Galabnimada Maanta hadii Alle idmo .
no images were found
Mawliid Isma Haradigeed
Buuhoodle , Somalia