Xildhibaanada DFS oo ogalaaday codsiga R/W Sharmaarke Ee dib u eegista Xukuumada
January 17, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Xildhibaannada baarlamaanka DFS ayaa fadhigoodi maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay aqbaleen in muddo 14 maalin ah fursad loo siiyo Raisulwasaaraha DFS inuu dib-u-eegis ku sameeyo dhismaha golaha wasiirada ee dhawaan uu soo dhisay .
Xildhibaannada DFS ayaa loo qeybiyay warqad uu Raisul wasaaraha uga codsanayo in muddo 14 maalin ah fusad la siiyo intaas ka dib ayaa gudoonka baarlamaanka DFS wuxuu cod u qaaday codsiga Raisulwasaare Sharmaarke
Kulanka ayaa waxaa maanta goobjoog ka ahaa 202 xildhibaan waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) waxaana aqbalay codsiga Raisulwasaaraha DFS 190 xildhibaan waxaana diiday 10 xildhibaan hallka 2 kale ay la aamuseen.
A/Cawale
Halgan.net