Abu Qataada oo ka qeyliyey Khudbadii Jimcaha كمال زروق التونسي oo ka tirsan Daacish.(Vedio +Akhriso)
February 19, 2015 - Written by EditorAbu Qataada Al-Falastiina oo ka mid ahaa wadaadii la dhacsanaa Fikirka Takfiiriga ayaa ka qeyliyey mid ka mid ah wadaada kooxda Khawaarijta ee Daacish ka dib markii uu khudbad jimco uu jeediyey uu ku sheegay in hadii uu noolaan lahaa Nabigeena Maxamed NNKH uu raaci lahaa kooxda Daacish ee uu amiirka u yahay Abu Bakar Al-Baqdaadi.
Qorma yar oo leeyahay Abu Qataada Al-Falastiini oo lagu faafiyey Mareegaha lagu uruuriyo afkaarka Takfiirka oo uu leeyahay Abu Maxamed Al-Maqdsi lana yiraahdo منبر التوحيد والجهاد ayaa waxaa uu ka hadlay Abu Qataada kana qeyliyey xadgudbka diineed ee kooxda Daacish iyo khudbadii Jimcaha uu ka jeedshay كمال زروق التونسيwaxaa uu cinwaan uga dhigay radiga [ الرد القاصم على من احتار في قول خطيب الغلاة الآثم ].Halkan ka Akhriso Qormada Abu Qataada ku radiyey Kamaal Zaruuq
Abu Qataada ayaa waxaa uu ku bilaabay qormadiisa weerar uu ku qaaciyey kooxda Khawaarijta ee Daacish waxaana uu sheegay in hadalka ka soo yeeray mid ka mid ah wadaada Daacish uu yahay meel ka dhac lagu sameeyey Nabigeena Maxamed NNKH wuxuuna intaas ku daray in kooxda Daacish ay gaaleysiiyeen Jabahada Al-Nusra ee uu madaxa ka yahay Abu Maxamed Al-Jowlaani wuxuu yiri Abu Qataada.
فقد بلغ الآفاق ما قاله خطيب جماعة دولة البغدادي من أنه لو حضر رسول الله صلى الله عليه وسلم يومنا ودخل إليهم لصار من أتباع دولتهم الباطلة، وهذا القول يدل على غرور هؤلاء الجهلة وفجورهم في القول، وهذا القول لو صدر من آحادهم العوام لكان الرد هو طلب التأديب وصرف الأمر وعدم القيام له، لكنه أن يصدر من مقدم فيهم ومتبوع فيهم فلا يدري المرء ما يقوله في شرهم وسعارهم وخبث ما هم عليه.
والنظر الصحيح لهذا القول ليس فقط اطلاق الحكم الشرعي فيه مع أنه قول كفري صريح يستتاب قائله، ولو أجرينا طريقة هؤلاء الغلاة في الأحكام لقلنا بردة جماعة البغدادي كلها وأنها طائفة كفر وردة على طريقتهم في تكفير خصومهم فمن المعلوم أنهم كفروا جبهة النصرة بهذه اللوازم والمقتضيات الباطلة
Wadaadka Abu Qataada Al-Falastiini ayaa ku sifeyey khadiibka Daacish mid jaahil ah wuxuuna ugu baaqay in uu alle
u toobad keeno. كمال زروق التونسي
Abu Qataada Al Falstiini ayaa waxaa uu horey ugu tilmaamay kooxda Daacish in ay tahay Khawaarij Halkan ka Akhriso
Hoos ka Daawo Khudbadii Jimcaha uu ka jeediyey magaalada Riqah كمال زروق التونسي oo ka mid ah wadaada kooxda Daacish
Halgan.net
A/Osman