Anaa soo muslimiyey! W/Q Sh. Axmed Dheeli
February 6, 2015 - Written by EditorWaa gabar wadaad ah oo ay si fudud maskaxda uga xadeen qolyaha takfiirka ah, waxaa allaah siiyey nin dhalinyaro ah oo ay is jecel yihiin oo ay wada dhisteen qoys dadku kuwada kuunyo. Wadaadkii oo safar kasoo noqday xiiso badana u qabay la kulanka iyo soo dhawaynta xabiibtiisa. laakiin markuu soo galay gurigiisa maxaa dhacay?????
Isla markiiba wuxuu la kulmay xabiibtiisii oo ka xijaabatay oo qaylinaysa oo leh : ha iisoo dhawaan!!!!! Muslim ma tihid!!!!!! gaal baad tahay!!! iyo ereyo kasii qalafsan.
Wadaadka oo ahaa nin dhalinyar laakiin Allaah u hibeeyey maskax ayaa markiiba gartay meesha laga soo galay, wuxuuna si degdeg ah ugu yiri , walaal aan soo islaamee, maxaan sameeyaa? waxay ugu jawaabtay soo qubayso aan tawxiidka kuu qabtee. asna wuu sameeyey sidii ay u sheegtay. sidaas ayeyna mushkiladii ku xalisantay.
Ayaamo kadib ayey lasoo xariireen qoladii awalba dhibka ka danbaysay, waxay ku yiraahdeen: naa ma ridawday? maya ayey ku jawaabtay ayadoo yaaban! oo maxaad gaalka u xaraysatay? ayey si caro ku jirto u yiraahdeen. maya walaal anaa muslimiyey ayey tiri.
Kama ay aqbalin musliminteedii maxaa yeelay muslim uma arkaan cid aan sheekhoodu muslimin. sidaasaana gabadhii Allaah ku badbaadiyey.
W/D: Sh. Axmed Dheeli