Booqashadii Zambia – Lusaka ee Sh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdigiisa.[Masawiro]
February 10, 2015 - Written by EditorLusaka:-Waxaa Xalay abaarihii 11:30 pm 9/2/2015 ka soo dagtay garoonka caalamiga ah Lusaka international airport ee Zambia wafdi culimo ah oo hogaaminayo Sheekh Mohamed Cabdi Umal Sh c/qaadir Boobe, iyo Sh. Xudayfe Raage oo ka tirsan Mu,assada Al- ixsaan ee dalka Kenya ka howl gasha, culimada oo ka soo kicitimay dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya iyagoo safarkooda uu ahaa safar dacwo.
Culimada ayaa waxaa Airporka ku soo dhaweeyay dadwayne aad u tira badan oo isugu jira Culumo, ganacsato, arday, iyo qaybaha ay ka koobantahay jaaliyada Somaaliyeed ee Zambia gaar ahaan Lusaka.
Magaalada Lusaka waa Caasimada wadanka Zambia, waxaa dagan Somali gaaraysa ilaa 4000 oo u badan Ganacsato iyo dad ka shaqaysta wadanka, jaaliyadu waxay ku leedahay Xarumo ganacsi oo waawayn iyo masaajido badan waxaa ugu wayna Masaajidka AL UMMAH oo ku dhex yaala Xarunta AL UMMAH masaajidkaas oo uu dhagaxa dhigay 2010 Sheekh. Mohamed idris (Xafidahullaah,) waxaana dhisay Muslimiinta Zambia degan gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay dhismihiisa.
Sh umal ayaa wuxuu safar Dacwo ugu Yimid Zambia 13 Sano ka hor bilawgii 2002,waxaa culimada oo u qorshaysan haduu ALLAAH in ay ku sugnaadaan Zambia ilaa 10 casho oo ay u qaybin doonaan 2da Magaalo ee ay Somalidu sida wayn u dagantahay Lusaka iyo Ndola, waxaa la filayaa Culumadu inay Duruus iyo Muxaadaraat badan ka gali doonaan inta ay joogaan, sidoo kale inay ugu Jawaabaan wixii fataawo ah ay u baahanyihiin dadwaynaha Zambia. Duruusta iyo sidda meelaha iyo waxa ay ku saabsan tahay ha ka fogaan websitka www.Halgan.net no images were found
AL UMMAH MUSLIM SOCIETY
Lusaka – Zambia