Boqor Burhan Boqor Muuse oo magaalada London si weyn loogu soo dhaweeyey.[Masawiro]
February 7, 2015 - Written by EditorLondon:-Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday magaalada London, iyadoo u jeedada xaflada ay ahayd sidii loo soo dhoweyn lahaa Boqor Burhan Boqor Muuse oo maalmahan ku sugnaa magaalada London.
Salaadiinta dhaqanka, madax hore oo ka tirsan xukuumadihii soo maray Somalia, haween, duqey, aqoonyahan, iyo dhalinyaro ayaa xaflada soo buuxiyey, iyadoo xalay dadkii kaso qayb galay xaflada ay kor u dhaafeen 1000 qof oo ka wada tirsan jaaliyada Soomalida reer UK.
Boqor Burhaan oo kasoo jeeda qoys si weyn ugu xusan diiwaanka taariikhda Soomalida, ayaa noqday kal hore boqorkii 34aad ee Soomaliyeed.
Gabayo, guurow iyo buraanbur ayaa xalay si weyn loogu soo bandhigay goobtii soo dhowey nta boqorka, iyadoo malaayin qof xalay markii ugu horeeysay ay suurtagal u noqotay inay la kulmaan Boqor Burhan Boqor Muuse.
Salaadiintii xaflada kasoo qaybgashay ayaa Boqorka ka codsaday inuu sii wado booqashooyinka uu ku murayo halka ay Soomalidu u soo qaxday, xilligii burburka si looga talagaliyo shir weyn oo Boqor Burhan Boqor Muuse uu ku baaqay in Soomalida loo qabto si la isugu saamaxo, la iskuna cafiyo.
Dhamaan hogaamiyaashii beelaha Soomaliyeed ee xalay kulanka kaso qaybgalay ayaa Boqor Burhan ka codsaday inuu u qaameysan yahay Soomalida oo dhan maadaama uu yahay Boqor ay wada leeyihiin umadda Soomaliyeed, laguna caleema saaray meel ay Soomali u dhan tahay.
Barnaamijkii xalay ka dhacay London ee soo dhoweynta Boqorka ayaa lagu soo bandhigay taariikhda guunka ah ee qoyska reer Boqor ilaa iyo in kasii durugsan Boqor Xawaadane. Waa taariikh runtii aad u gun dheer, meel weyna kaga taala geyiga Africa. Waxaa lasoo bandhigay barnaamijyo muuqaal ah oo ku saabsan daarihii iyo qasriyadii Boqortooyad, ee ku yaalay dhulka Soomalida.
Xalay waxay reer London u ahayd habeen taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed ay ka muuqatay habeen ay midaysan yihiin, habeen uu u bilowday waa-cusub iyo habeen qiirada iyo wadaniyada ay cod dheer lahayd.
no images were found
Xafiiska Warfaafinta
Boqor Burhan Boqor Muuse.