Ciidamada Puntland oo ku dilay deegaanka Madashoon 5 asakari oo ka tirsan Al-Shabaab
February 13, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidamada Puntland ayaa galabta ku dilay deegaanka Madashoon 5 askari oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxaana ay gacanta ku dhigeen mid ka kale ka dib howlgalo ay ka fuliyeen buuraleyda ku xeeran deegaanka Madashoon.
Saraakiila ka tirsan Laamaha amaanka Puntland qeybna ka ah howlgalada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalo ay qaadeen ay ku dileen 5 askari oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxaana ay nolal ku qabteen mid kale .
Weerarkan lagu dilay 5 askari oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku soo aaday xili madaxweynaha Puntland uu isbuucii hore sheegay in howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay socdaan waxaana howlgaladaas ugu danbeeyey kuwii ciidanka amaanka ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso lagu qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay wadaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa waxaa looga qabsaday Al-Shabaab deegaano badan oo gacantooda ku jirtay.
Ciidanka Difaaca ee Puntland oo uu horkacayo Jen Saciid Dheere ayaa haatan ka gudbay deegaanka Madashoor sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka Haylaan.
M_M Deeq
Halgan.net