Ciidamo ka tirsan dalka Jabuuti oo hor leh oo soo gaaray magaalada Beledweyne.

February 13, 2015 - Written by Editor

4Beledweyne:-Ciidamo ka tirsan dalka Jabuuti kuwaas oo ka tirsan AMISOM ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana dowlada Jabuuti ay sheegtay in ay ciidamo hor leh geysay dalka Soomaaliya.

Ciidamada iyo Gaadiid badan oo ay leeyihiin dalka Jabuuti ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin howlgalka ay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya kaas oo dhan ka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka ka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne.

Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubbad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka soo gaaraya magaalada Beledweyne ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM.

Col. Cismaan Dubbad ayaa sidoo kale sheegay in guuta kale oo ka socda ciidanka Jabuuti ay soo gaari doonaan magaalada Beledweyne

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee DFS C/fitaax Xasan Afrax ayaa u mahad celiyey dowlada Jabuuti sida ay mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online