Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Bari oo ka hadlay dhacdii xalay ee Boosaaso.[Dhagayso]

February 7, 2015 - Written by Editor

boosaasoBoosaaso:-Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in caawa ciidanka Booliska ee Boosaaso oo joogay bar kontrool ee Panarooma ay ku amreen nin dhalinyaro ah in uu istaago si loo baaro ka dibna  waxaa uu dhaawacay askari ka mid ah askartii wuxuuna isku dayey in uu baxsado balse askari ka mid ah ciidanka ayaa toogtay oo dhaawacay ka dibna waxaa la sheegayaa in uu galay meel geerish ah oo baabuurta lagu sameeyo ciidankuna ay hadda ku gadaaman yihiin.

Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahaan waday baaritaano iyo howl galo ay ku raadinayaan dhalinyaro ka tirsan al-shabaab oo weerar ka geystay Saldhiga Boolska Baalade ee magaalada Boosaaso,  ilaa hadda lama yaqaan in ninkaan dhalinyarada ah in ay ciidanku xog ka hayeen ama doonayeen in ay qabtaan iyo in kale.

Ilo wareed aan ka waraysanay dhacda caawa ka dhacday Boosaaso aan wax ka waydiinay wax ka jira in kooxo hubaysan ay caawa weerar ku qaaday guriga uu magaalada Boosaso ka deganaa Taliye ku xigeen ka ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse (Gacmey) waxay noo sheegeen in warkaas yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Saxaafadda qaarkood oo ka howl gala Puntland ayaa tabisay in Taliye ku xigeen ka ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse (Gacmey)  gurigiisa la weeraray ayna ka dhasheen khasaaro kala duwan walow xiriiro kale duwan oo aan samaynay ilo kale duwan ay arrinkaas beeniyeen.

Hoos ka Dhagayso Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Bari Gen. Cabdixakiim Yuusuf Xuseen

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/pxv0vj6gsa/taliye.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online