Ciidanka Booliska ee dalka Denmarka oo xabsiga Dhigay wiil la dhashay Omar El-Hussein
February 28, 2015 - Written by EditorDenmark:-Ciidanka amaanka ee dalka Denmark ayaa xalay saacadu markay ahayd 10.35 waxay xabsiga dhigeen wiil la dhashay Omar El-Hussein 00 14 iyo 15 bishan weeraray xarunta dhaqanka iyo Kaniisad ay leeyihiin Yahuuda oo ku taal Copenhagen weerarka ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay 5 askari oo ka tirsan Booliska dalka Denmark.
Wiilka la dhashay Omar El-Hussein ayaa waxaa uu jiraa 18 sano waxaana lagu eedeeyey in uu ku caawiyey walaalkiis weerardii ka dhacay magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark sida ay TV-yada qaar ka soo xigteen ciidanka Sirdoonka ee PET ee dalka Denmark.
Ciidanka Booliska ee Denmark ayaa ilaa haatan wax faahfaahin ah ka bixin xariga wiilka yar ee la dhashay Omar El-Hussein marka laga reebo warbaahinta dalkaas oo sheegtay xariga wiil la dhashay Omar El-Hussein.
A/Osman
Halgan.net