Dambiyada oo la fududeysto Sh.Dr Haaruun Sheekh Xusen (Dhageyso)
February 22, 2015 - Written by EditorKuala Lumpur:-Waxaa idiin soo gudbineynaa muxaadaro qiima badan oo uu ka jeediyey dalka Malesia Sh. Dr Haaruun Sheekh Xusen waxaana muxaadarada Sheekhu uu uga hadlay Dambiyada oo la fududeysto iyo khatarta ay leedahay.
Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xusen ayaa kula dardaarmay ducaada iyo dhalinyarada in alle ay ka baqaan oo ay u diyaargarooban maalinta qiyaamaha iyo in aysan fududeysan danbiyada.
Sheekh Dr Haaruun Xusen ayaa uga digay shacabkii soo xaadiray muxaadarada in aysan fududeysan danbiyada yar yar taas oo keeni karta in qofka ay ku jiidaan danbiyo waaweyn ka dibna uu qofka halaagsamo.
Muxaadarada ay ah mid aad u qiimo badan oo aan u wada baahanahay ee aan ka fogaano danbiyada noocyadiisa kala duwan alaha naga dhigo kuwa ka faa,ideysta waanada iyo tawjiihaadka culumadeena aaamiin.
Hoos ka Dhageyso Muxaadarada Dambiyada oo la fududeysto Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xusen
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/wvacurfttq/danbiyada.mp3]Ama Halkan Mp3
Waxaa dardar ku socda in dib u habeyn lagu sameeyo dacwda iyo qaabkii ay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka maleesia ay boorka isaga jafi lahayn si ay u badbaadsato shacabkooda .
Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xusen ayaa waxaa uu sidoo kale Horey u jeediyey Muxaadaro qiima badan oo uu Sheekhu kaga hadlay Khayrka iyo Wanaaga oo la isku Kaalmeysto.
Hoos Ka Dhageyso Khayrka iyo Wanaaga oo la isku Kaalmeysto Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xusen .
[audio: https://www.halgan.net/Mp3/Khayrka_1.mp3]Ama Halkan Mp3
Yaasiin Cabdi Axmed
Halgan.net