Diyaaradaha dalka Masar oo Duqeyn ka geystay gudaha dalka Libiya (Bayaan+ Vedio)

February 16, 2015 - Written by Editor

caruurLibya:-Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Masar ayaa duqeyn ka geystay magaalada Derna ee bariga dalka Libiya ka dib markii koox raacsan Daacish ay gowraceen 21 qof oo u dhashay dalka Masar kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen gaalo Masiixi ah.

Kulan degdeg ah oo ay qaateen madaxada dalka Masar ayaa lagu sheegay in diyaarado ka tirsan dalka Masar ay duqeeyeen fariisimo ka yaal gudaha magaalada magaalada Derna ee bariga dalka Libiya.

TV -ga dalka Masar ayaa waxaa laga sheegay in Diyaaradaha dalka Masar ay u soo aargudeen dadkii Masaari ee la laayey ayna duqeeyeen diyaaradaha dalka Masar  xarumo Daacish ay ku leedahay kuna tababaranayeen.

Dowlada Masar ayaa kooxaha Kacdoonka dalka Libya waxay ku eedeeyeen dhowr mar in ay taageero Melatari siiso Jen Khaftar oo dagaal culus uu ka dhexeeyo kooxaha Kacdoonka .

no images were found

Majliska Shuura Al-Mujaahidiin ee magaalada Darna ayaa Bayaan ka soo saaray duqeynta diyaaraha Masar ka geysteen gudaha magaalada waxaana ay sheegeen in ay dileen dumar iyo caruur iyo dad aamin ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa sidoo kale Bayaan ka soo saaray xaalada dalka Libya  iyo duqeynta dalka Libya ay ka geysteen diyaaradaha dalka Masarمجلس البحوث والدراسات الشرعية بدار الإفتاء waxaana duqeynta ku dhintay caruur sida ay faafiyeen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka caalamka.

Mid ka mid ah madaxdii hore ee dowladii Col Mucamar Al-Qadafi oo taageeray kooxda Daacish Hoos ka Daawo

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online