Dufcadii ugu horaysay oo ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Qardho.[Masawiro]

February 20, 2015 - Written by Editor

IMG_1475Qardho:-Xaflad si heer sare ha loo soo agaasimay loona qabtay dufcadii ugu horaysay ee ka qalinjabisay jaamacada bariga Africa faraceeda magaalada Qardho qaybaheeda kala ah shareecada iyo maamulka iyo maaraynta ayaa lagu qabtay hoolka Jaamacada ee magaalada Qardho.

Xafladaan oo loo qabtay 42 arday oo dhamaysatay shareecada iyo maamulka iyo maaraynta ayaa waxaa ka soo qayb galay, Aqoon yahano, Masuuliyiin, madaxda wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare Culimo, ganacsato, odayaal, haween, Maamulka jaamacada Bariga Africa guud, Macalimiinta Masaarida Macalimiinta iyo ardada jaamacada qaybta Qardho.

Sh. Cali Maxamed Cali Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Qardho oo ugu horayn ka hadlay xaflada ayaa sheegay in dareenkiisa farxadeed maanta uusan ku soo koobi karin kaliya khudbada uu halkaa ka jeediyay, wuxuuna aad ugu hambalyeeyay ardayda maanta qalin jabisay oo isugu jira 6 gabdhood iyo 36 wiil oo nasiib u helay inay noqdaan ardaydii ugu horaysay oo ku dhamaysata waxbarshadooda heerka koowaad ee jaamacada magaalada Qardho.

Sh.Cali Maxamed Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa aad ugu mahadceliyay dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada Qardho, iyo Qaar ka mid ah shirkadaha wuxuuse si gaar ah ugu mahadceliyay Shirkada Is gaarsiinta Golis oo horay jaamacada ugu deeqday lacag gaaraysa $12,000 (laba iyo tobankun oo doolar) mar walbana ay jaamacada la garab taagan tahay taageero dhinac walba ah.

Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise hogaamo ayaa sidoo kale u hambalyeeyay ardayda dhamaysatayay Heerka Koowaad ee jaamacada balan qaadayna inay ka qayb qaadan doonaan horumarinta jaamacada uu asaga horay uga soo qalin jabiyay, sidoo kalena balan qaaday in la dhamays tirayo wadada laamiga ah ee tagta jaamacada.

Eng. Maxamed Khaliif Diric oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka soo qaybgasha xaflada ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu hambalyeynayo ardayda qalin jabinaysa sidoo kalana sheegay inuu magaalada Qardho ka dhisi doono Labareeriga ugu wayn deeganada Puntalnd iyo goob cilmi baaris jaamacadana ugu yaboohay lacagaha ay u baahantahay in lagu kaabo sanadkii oo gaaraya $50,000 (konton kun oo doolar) uu bixin doono $25,000 (shan iyo labaatan kun oo doolar) oo ah kalabar lacagaha ay u baahan tahay jaamacada in lagu kabo sanadkii reer Qardhana kula dardaarmay inay bixiyaan kala barka haray.

Gudoomiye ku xigeenka jaamacada bariga Africa guud Maxamed Maxamuud Ciise oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in jaamacada marwalba ay diyaar u tahay inay daboolaan baahiyaha bulshada ee dhanka waxbarashada sare, jaamacada Bariga Afrikana la’aasaasay sanadii 1999 waana jaamacadii ugu horaysay oo laga fura deegaanada Puntland.

Sidoo kalena ay ka mid tahay jaamacadihii ugu horeeyay ee laga furo guud ahaan soomaaliya burburkii kadib, maalintii la furay jaamacada ilaa maanta lajoogana ay xarumo ku leedahay guud ahaan deegaanada Puntland sidda Boosaaso, Qardho, Garowe, Gaalkacyo, Galdogob, Buuhoodle iyo
Ceerigaabo sido kalena jaamacada ay hoos yimaadaan.

Macaahid kala duwan dhamaan marka la’isku daro ardada wax ka barata xarumahaas oo dhana ay tiradooda kor u daafayso 9,000 ( sagaal kun) oo arday, waxaana ka qalinjabiyay mudadii la furay ilaa maanta arday tiradooda kor u dhaafayso 4,000 (afar kun) oo arday oo dhamaan galay laamaha bulshada looga adeegaayo.

Marti sharaftii halkaa ka hadashay ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa sh. Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur, Sh. Xasan Maxamed Muuse (Sh. Xasan Bookh) Sh. Yuusuf C.casiis, Macalimiinta Masaarida, Xaliimo Maxamed Jacfar, Khadar Xaaji Mire, Pro. Axmed Barre iyo Bashiir Axmed Galari, Pro Sulub waxayna dhamaantood u hambalyeeyeen ardada Nasiibka u yeeshay inay dhamaystaan waxbarshadooda heerka koowaad.

Shirkadaha Golis, Eneye, Najax iyo Bulsho ayaa dhamaantood halkaa lagu gudoonsiiyay shahaada sharaf katarjumaysa ka qaybqaadashadooda horumarinta jaamacada Sheekh.Axmed Cawaale Gaare oo ah Maamulaha Shirkada golis ee Gobolka karkaar ayaa dhankiisa sheegay inay marwalba diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan horumarinta jaamacada halkaana ku gudoomay shahaada sharafeedkii ay ugu talagashay jaamacada una balan qaaday jaamacada inuu siin doono adeeg internet oo xawaarihiisa aad
u sareeya oo ardayda iyo macalimiinta ka caawiya adeegyada ay uga baahanyihiin internetka.

Xildhibaano iyo Masuuliyiin ka socota wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa gabagabadii halkaa ka hadlay, waxayna aad u bogaadiyeen ardayda sidoo kalen sheegeen in waxbarashada laf dhabar u tahay nolosha aadanaha halkaana ku soo xiray xafladii lagu sagootinayay Ardaydii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Qardho.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online