Ex Xidhibaan Daahir Aadan Kelli oo ku dhintay Qaraxii ka dhacay Hotel Central.

February 22, 2015 - Written by Editor

qarax2Gaalkacyo:-Eebe ha u naxariistee waxaa shalay Qarixii ka dhacay Hotel Centeral magaalada Muqdisho ku Shahiiday Ex Xidhibaan Daahir Aadan Kelli oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Dowladihii KMG ee dalka soo maray.

Saakay ayaa lagu aasay Magaalada Muqdisho waxaana aaskiisa ka qeyb galay Mas’uuliyiin horey xilal kala duwan u soo qabtay iyo dad qaraabadiisa ka mid ah.

Taariikh Noleleedka Marxuum Xildhibaan Daahir Aadan Kelli.

Ex Xidhibaan Daahir Aadan Kelli waxa uu ku dhashay Magaalada Gaalkacyo Sanadka markuu ahaa 1958.kii,waxbarashadiisa Hoose waxa uu ku soo qaatay Dugsigii Allaahida ee ku yaalay Degmada Gaalkacyo,halka Dugsiga sare ka dhameeyey Cumar Samatar oo isla Gaalkacyo ku yaalo.

Marxuunka Markii u soo wareegay Magaalada Muqdisho waxa uu waxbarashadiisa ka sii watay Machadka Hormarinta Maamulka iyo Maareynta halkaasi oo ka bartay qeybaha maamulka iyo maareynta.

Ex Xidhibaan Daahir Aadan Kelli waxa uu soo qabtay xilalka duwan waxaana ka mid ahaa Maareeyihii Wakaaladda Ganacsiga Umadda Soomaaliyeed ENT ee Gobollada Waqooyi galbeed Somalia.

Burburkii ka dib waxaa uu ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo Sanad kii 1993-dii xiligii UNISOM,waxa uu ka mid noqday Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga,mararkale waxa uu soo qabtay xilalka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, Wasaaradda arrimaha Gudaha.

Ex Xidhibaan Daahir Aadan Kelli waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadi Dowladihii KMG ee soo maray Dalka waxa uuna ifka kaga tagay 14 Caruur oo isugu jira kuwii uu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen.

Ex Xidhibaan Daahir Aadan Kelli waxa uu ahaa shaqsi ku fiican Diinta, Afgaaban waxa uu ahaa shaqsi ay dhageystaan dadka madaxda,waxa uu ahaa shaqsi talo keen ah,hal abuure ah, bushada dhexdeeda si weyn ayaa loogu qadinjiray,Waxa uu ahaa shaqsi Daacad ah.

Wariye Cabdiraxman Black
Galkacyo,Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online