Helle Thorning-Schmidt (S) waan ka xumahay toogashadii ka dhacday Copenhagen.[Video/Masawiro]

February 14, 2015 - Written by Editor

1Copenhagen:-Ra’iisul wasaaraha Danmark Helle Thorning-Schmidt (S) oo shir jaraa’d ku qabtay magaalada Copenhagen ee caasimada Danmark ayaa waxaa ay sheegtay in falkii toogashada ahaa ee ka dhacay xarunta dhaqanka ee Krudttønden in uu ahaa weerar siyaasadeysan ahna mid argagixiso.

Ra’iisul wasaaraha Danmark Helle Thorning-Schmidt (S) ayaa xustay in Danmark aysan u hogaan sami dooni cid walba oo oo isku dayda in awood ficil ay aragtiteeda ku soo bandhigaan iyadoo ku hanjabtay in si dhaqso ah ay ciidanka u soo qaban doonaa kuwii weerarka ka geystay xarunta dhaqanka ee Krudttønden.

Ra’iisul wasaaraha Danmark Helle Thorning-Schmidt (S) ayaa tir ”Aad baan ula yaabay weerarka hubaysan ee maanta ka dhacay xarunta dhaqanka ee Krudttønden balse kuwa ficilkaas geystay cadaalada ayaan horkeeni doonaa.”

Ra’iisul wasaaraha Danmark Helle Thorning-Schmidt (S) ayaa tilmaamtay sidda ay uga xuntahay weerarka dhacay oo uu ku dhintay qof rayid ah halka ay caafimaad u rajaysay saddexdii askari ee ku dhaawacmay weerarka.

Ugu danbayntii ayaa Ra’iisul wasaaraha Danmark Helle Thorning-Schmidt (S) ay sheegtay in dhacda maanta ka dhacday magaalada Copenhagen ay tahay mid imtixaan ah oo lagu eegayo midnimada dowladda iyo shacabka reer Danmarka iyadoo ka codsatay in lala shaqeeyo hay’addaha amniga si loo
soo qabto kuwii falka geystay.

no images were found

Falkaan toogashadaha oo uu geystay sidda saxaafaddu sheegayso nin hubaysan ayaa waxaa ku dhintay qof rayid ah waxaan ku dhaawacmay ilaa 3 askari oo ilaalo ka hayey xarun dhaqan ee Krudttønden waxaan la sheegayaa in xaruta uu ku sugnaa Lars Vilks oo ahaa farshaxamiiste u dhashay dalka Swedan oo sameeyey masawiro kartoon ah oo uu ku aflagaadeynayo nabigeena Maxamed NNKH waxaa kale oo saxaafaddu sheegtay in xarunta uu ku sugnaa safiirka Faransiiska ee Danmark.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id Ra’iisul wasaaraha Danmark Helle Thorning-Schmidt (S)

Source: Tv2

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online