IImaam Maxamed Yusuf oo qado sharaf u sameeyey Madaxweynah PL iyo Madaxda kale.[Masawiro]

February 6, 2015 - Written by Editor

IMG_2096Muqdisho:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo ku sugan maalintii 3-aad magaalada Muqdisho  ayaa waxaa maanta qado sharaf u sameeyey iimaamka Guud iyo odayaasha dhaqanka ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa qado sharaftii maanta waxaa ku weheliyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyo Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Qadasharaftaasi oo ahayd mid ay ku dheehan tahay maamuus dhaqan ayaa waxayd ahyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo Madaxweyne Gaas lagu marti qaaday Restourent Caalimiya oo kaabiga usaaran xaaxiga xeebta Liido.

Madashii qado sharafta ayaa iyaguna waxaa ku sugnaa dhamaan qaybaha kala duwan ee ururada bulshada, siyaasiyiin iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan DF ee Soomaaliya.

IImaam Maxamed Yusuf oo ka hadlay madashii qado sharafta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Gaas iyo kulamadii ay wada lahaayeen Madaxweyne Dr. Gaas Iyo Madaxda DF ee soomaaliya, kuwaas oo kusoo dhamaaday guul.

Dhinaca kale IImaam Maxamed Yusuf ayaa waxaa uu mahad gaar ah iyo maamuusba inay lee yihiin sheegay Madaxweyne Gaas Iyo weftigiisa isagoona sheegay in Dawladda Puntland tahay hooyada nidaamka Federlka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhankiisa sheegay in uu u mahad celinayo Iimaamka iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka banaadir oo si wanaagsan oo Soomaalinimo leh usoo dhaweeyey isaga iyo weftigiisa, welibana intaasi sii raaciyey oo si weyn ugu nuux nuuxsaday ahmiyada ay lee dahay in la helo Qaran Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online