Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Huda ee Garowe oo looga hadlay qaadka iyo dhibka uu bulshada ku hayo.
February 28, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Huda ee magaalada Garowe ayaa shalay waxaa looga hadlay qaadka iyo dhibka uu bulshada ku hayo. Sh.Maxmed Cumar oo ah khadiibka masjidka Al-Huda ayaa dadk ku soo tukaday Masjidka waxaa uu kala hadlay Khatarta iyo dhibka weyn ee uu Qaadku u hayo bulshada Soomaaliyeed.
Sh.Maxmed Cumar ayaa waxaa uu dadweyniii dhagaysanayey khudbada Jimcaha waxaa uu dhnacyo badan ka tusay Xumaadta Qaadka iyo Khatarnimadiisa isagoo soo qaatay Aayaad yo Axaadiis dhowr oo lagu reebay wax walba oo caqliga banii,aadamka dooriya
Sheekh.Maxmed Cumar ayaa amaanay dadaalka uu wado Abuukar Cawaale iyo isagoo sheegay in ay waajib tahay in la garab istaago cidwalba oo ka hortimaada cunida qaadka
Waxaa Khudbada ka dib kalimad dardaaran iyo waano ah jeedshay Sh.Cabdi rashiid Ismaaciil oo bulshda ka codsaday in ay ku mudaharaadaan joojinta qaadka .Sidoo kale waxaa sheekhu dowladda Puntland u soo jeedshay in ay garab istaagto cid walba oo diyaar u ah joojinta qaadka.
no images were found
Hoos ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee masjidka Al-huda oo looga hadlay qaadka iyo dhibkiisa
Nuur Jaamac Aadan
Garowe,Halgan.net