Kooxda Ahlu Sunna oo dib ula wareegay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud
February 10, 2015 - Written by EditorGuriceel :-Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in ciidamada ka tirsan kooxda la baxday Ahlu Sunna ee suufiyada ah ay la wareegeen Degmada Guriceel ka dib dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Degmada iyo gudaha xaafado ka tirsan Guriceel.
Ciidamada kooxda Ahlu Sunna ayaa gudaha u galay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyaga ka itaal roonaaday ciidamo sheegtay in ay daacad u yihiin DFS oo bishii hore kala wareegay kooxda Ahlu Sunna Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.
Ilaa haatan lama xaqiijin karo khasaaraha kala gaaray ciidamada DFS ee laga saaray Guriceel iyo kuwa kooxda Suufiyada ee la baxday Ahlu Sunna.
Xaalada Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa hada degan waxaana magaalada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada kooxda Ahlu Sunna ciidanka DFS ayaa ku sugan duleedka Degmada Guriceel.
A/Cawale
Halgan.net