Ku-xigeenka wakiilka AU ee Soomaaliya oo gaartay magaalada Baydhabo

February 1, 2015 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegay in wafdi ay horkacayso Ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Ms. Lydia Wanyota ay maanta gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ms. Lydia Wanyota ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Baydhabo masuuliin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana ay kormeer ku sameysay intii ay joogtay magaalada Baydhabo isbitaalka guud ee magaalada.

Ku-xigeenka wakiilka AU ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadatay wasiirro ka tirsan maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada waxaana ay laba dhinac ka wada hadleen sidii Maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya looga taageeri lahaa ,Caafimaadka ,Amniga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha .

Wasiirka caafimaadka ee maamulka Koonfur galbeed Isaaq Cali Subag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada ay la qaateen Ms. Lydia Wanyota ay guul ku soo dhamaatay.

Ku-xigeenka wakiilka AU ee Soomaaliya Ms Lydia ayaa u mahad celisay Masuuliinta maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya sida ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Baydhabo .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online