Kulan looga hadlay dardargalinta Dacwada oo lagu qabtay Kuala Lumpur
February 9, 2015 - Written by EditorKuala Lumpur :-Waxaa maal mahaani wadanka Malaysia gaar ahaan caasimada Kuala Lumpur ka socday arima ku saabsan hormarinta dacwada ee jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kuala Lumpur .
Kulamo kala duwan oo looga hadlayey qaabkii dacwada loo horomarin lahaa ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Kuala Lumpur waxana goobjoog ka ahaa culumada kala Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xusen ,Sheekh Dr Cabdiweli iyo Sheekh Siyad iyo Sh Zakariya ,Sheekh Maxamuud Ibnu Ciisa.
Ka dib kala warqaadasho iyo kulamo ay culumada la yeesheen qaar ka mid ah jaaliyada ayaa waxaa la isla gartay in dardar la galiyo dacwada waxaana tafsiirka qu,aanka ka bilaabay Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xusen isaga oo akhrin doona maalmaha Sabtiga iyo Axada.
Darsigii ugu horeeyey ee Tafsiirka qu,aanka ee Sheekh Dr Haaruun ayaa waxaa soo camiray dhalinyaro badan kuwaas oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kuala Lumpur.
Sheekh Dr Cabdiweli imaamka Masjidka Al hudaa ee wadanka finland ee caasimada Helsink iyo Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xusen ayaa isbuuca so socdo waxaa la filayaa in ay si wada jir ah dowro ama muxaadaro ugu qabtaan dhalayarada Xaafada Taman Maleti.
no images were found
Waxaa la ogeysiinayaan dhamaan dhalinyarada ,haweenka iyo ragaba inay ka faaiideystaan muxaadarada ay culimada ku qaban doonaan Xaafada Taman Maleti oo ay inta badan degan yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed.
Yaasiin Cabdi Axmed
Malaysia Kuala Lumpur