Kulan looga hadlay amaanka gobolka Shabeellaha dhexe oo ka dhacay Jowhar
February 26, 2015 - Written by EditorJowhar:-Kulan looga hadlayey amaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Jowhar waxaana kulankaas ka soo qeyb galay masuuliinta DFS ee gobolka Shabeellaha dhexe ,waxgaradka gobalka ,saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Axmed Mayre Makaraan Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha dhexe ee dhinaca arrimaha siyaasadda ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka looga hadlayey amaanka ee ka dhacay Jowhar lagu lafo guray sidii kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe oo ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha dhexe ee dhinaca arrimaha siyaasadda ayaa mar la weydiiyey weerarada joogtada ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku heyso ciidanka DFS ayaa waxaa uu sheegay in ay dhawaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay howlgalo ka bilaabi doonaa gobalka Shabeellaha dhexe .
A/Cawale
Halgan.net