Maamulka JBA Faraca Galdogob oo Jaamacadda ku soo dhaweeyey gudoomiyaha degmada Galdogob.[Masawiro]

February 21, 2015 - Written by Editor

14Galdogob:-Gudoomiyaha oo ay wehelinayaan lataliyaashiisa ayaa soo booqday Jaamacadda Bariga Africa Faraca Galdogob booqashada gudoomiyaha ayaa timid kadib markii uu marti qaad rasmiya ka helay gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa faraca Galdogob Prof.Muuse Mohamud Takar.

Kulan ka ayaa ugu horrayn waxaa ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Prof.Muuse Mohamoud Takar wuxuuna ku soo dhaweeyey Jaamacadda Gudoomiyaha Dagmada wuxuuna ka hadlay ujeedada kulan ka oo ahayd hormar ka dagmada iyo isku xidh ka maamulka dagmada iyo ardayda Jaamacadda, sida uu tilmaamay gudoomiyaha Jaamacadda muhiimadda kulan ka ayaa ahayd sidii ay wada shaqayn rasmiya
u yeelan lahaayeen Maamul ka Dagmada iyo Jaamacadda iyo sidii ay ardayda jaamacadaha uga faa’iiday san lahayd fursadaha shaqo ee soo baxa iyo sidii ay talooyin ugu lahaan lahaayeen masiir ka arrimaha dagmada.

Waxaa isna dhankiisa kulan ka ka hadlay Gudoomiyaha Dagmada Galdogob Xassan Farax Maxamed (Ayaxle) wuxuuna tilmaamay inay u baahan yihiin taladooda, aqoontooda iyo la shaqayntooda ardayda wax ka barata Jaamacadda, sidoo kale waxa uu ka warbixiyey hormarka degmada sidda waxbarashada, caafimaad ka iyo amniga.

Gudoomiyuhu wuxuu ku soo bandhigay kulan ka Film ay samaysay ha’ada PDRC ee Puntland Film kaas oo muujinayey guud ahaan xaaladda amni ee Puntland, Dagmada Galdogob ayaa qiimayntii ay samaysay ha’ada PDRC waxay kaalinta koowaad ka gashay dagmada ugu amniga badan dagmooyin ka Puntland.

Waxaa asna kulanka ka hadlay Sh. Mahad Cabdullahi oo ka mid ah culumada ugu waaweyn deegaan ka wax yaalaha uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa ammaan ka iyo nadaafadda deegaan ka iyo sidii ay wada shaqayn joogta u yeelan lahaayeen ardayda iyo maamul ka dagmada.

Waxaa gabagabadi kulan ka hadashay Xaawo Xoray oo sheegtay inay hadda wixii ka dambeeya si toos ah ula shaqayn doonto Jaamacadda sidoo kale waxay ballan qaaday inay bixinayso korontada ama biyaha Jaamacadda, ayadoo horayna uga mid ahayd gabdhihii jaamacadda ugu deeqay bus ka Jaamacadda loogu adeego.

no images were found

Xafiiska warar ka iyo xiriirka
ee Galdogob,Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online