Madaxweyaha DFS Xassan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

February 19, 2015 - Written by Editor

unnamed-Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu soo dhammeystey socdaal uu ku tegey dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Mekelle ee dalka Ethiopia kaga qeybgaley xuska 40 guuradii ka soo wareegtey markii ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) uu bilaabey dhaqdhaqaaqii milateri ee isbeddel doonka siyaasadeed. Ururka TPLF ayaa ka tirsan isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la yeeshey madaxdii kale ee lagu casuumey munaasabaddaasi oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Ethiopia, Rwanda, Sudan , ra’iisul wasaareyaasha Ethiopia, Uganda, Djibouti iyo Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Maxamed Cumar Carte , xubno ka tirsan golaha wasiirada , baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.

DHAMMAAD
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online