Madaxweynah Dawladda Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe.[Masawiro]

February 13, 2015 - Written by Editor

IMG_3816Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayey safar shaqana ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-2-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo waftiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayo safarkii shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu maqnaa ugu qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

” Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan dib ugu soo laabto dalka aniga iyo waftigaygii dhowrka beri shaqada ugu maqnaa dalka ethiopia ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

” Howsha aan u maqnayn waxay isugu jirtay laba qeybood, howl waxay aheyd mid laxiriirtay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo ay ugu horayso balaarinta dekeda Boosaaso mashaariic la xiriirtay iyo inaanu sii dardargelino barnaamijkii aan wadnay ee ahaa balaarinta ganacsiga Puntland”

” Waxaan kaloo aanu utagnay howlo la xiriira iskaashiga dhanka amaanka iyo iskaashiga nabadgelyo ee ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia oo ay kamid tahay tababarada ciidamada, Nabadsugida iyo howlo kale oo la xiriira in aanu iska kaashano cadowga runtii dalka dhibta weyn ku haya ”

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in meel wanaagsan ay marayso in maalgashi caalami ah laga samaysto Puntland, islamarkaana ay yimaadaan shirkado ganacsi oo waaweyn ku waasi oo ay ka faa’iidaysanayaan shacabka Puntland.

no images were found

 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online