Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho.
February 21, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana aad loo adkeeyey amaanka Garoonka Aden Cadde.
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Aden Cadde madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, R/W wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ,Wasiiro iyo Xildhibaanno , saraakiisha ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxaana wafdiga Madaxweynaha Jabuuti socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jabuuti.
Madaxweyaha Jabuuti iyo Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan munaasabad looga hadlayo horumarinta afka hooyo taas oo ka dhaceysa Hoteelka City Plaza ee Magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net