Madaxweynaha DFS galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

February 17, 2015 - Written by Editor

xasan-sheekhAddis Ababa:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya wax yar ka dib markii uu dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaritaan caafimaad wuxuu ku tagay isbuucii hore dalka Jarmalka wuxuuna caawa gaaray magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulmo kala duwan wuxuu kula qaadan doonaa magaalada Addis Ababa gudiga Amniga ee Midowga Afrika iyo wadamada dhaqaalaha siiya ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku sii sagootiyey garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada DFS .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online