Madaxweynaha DFS oo ka tacsiyeeyey geeridii Dr.Xuseen Sh.Axmed Kadare

February 1, 2015 - Written by Editor

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMuqdisho:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa halgamaa taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galey.

”Innaa Lillahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Aad ban uga naxay geerida marxuum Kadare. Waan hubaa inuu kayd dhaxal gal ah uga tegey shacabka Soomaaliyeed. Kaalintii uu ka qaatey halganka gobani madoonka, suugaanta iyo gacantii uu ka geystey dadaalkii la doonayey in lagu qoro farta Soomaaliga, waa kuwo mar walba lagu xusi doono diiwaanka dadka naftooda u hurey inay waddankan horumar gaarsiiyaan”.

Marxuum Xuseen Sh.Axmed Kadare , oo saaka ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hawlihii u ku caanka ahaa waxaa ka mid ah suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed iyo weliba nabadeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Allah uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhamaad
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online