Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo gaaray Degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud
February 10, 2015 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha DFS Xasan Sh. Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud waxaan halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan maamulka gobalka Gal-gaduud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Diyaarada uu la socday Madaxweynaha DFS ayaa caga dhigatay haatan garoonka Diyaaradaha ee Degmada Dhuusa Mareeb waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka Degmada Dhuusa Mareeb .
Shacabka ku dhaqan Degmada Dhuusamareeb oo ay horkacayaan masuuliin ka tirsan gobalka Gal- gaduud oo u horeeyo Cirfo gudoomiyaha gobalka Galgaduud ayaa ku soo dhaweeyey madaxweynaha Garoonka Diyaaraha ee Dhuusamareeb .
Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa shir dib u heshiisiin ah oo ka socda Degmada Dhuusa Mareeb.
A/Cawale
Halgan.net