Madaxweynaha dowladda Puntland oo u safray magaalada Muqdisho.[Cod/Masawiro]

February 4, 2015 - Written by Editor

Madaxweyne-GaasGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dhawaan ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe isagoo safar shaqo ku tegi doono mudo labo cisho ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa ka mid ah wasiirka waxbarashada, wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka badda, Wasiirka deegaanka, iyo wasiir udowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyadda.

U jeedka safarka  Madaxweyaha Puntland ayaa  lagu sheegay in uu ka qayb geli doono shir ka dhici dona magaalada Muqdisho oo ay garwadeen ka yihiin beesha caalamka iyo weliba Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan looga hadli doonaa geedi socodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliyeed.

Shirka ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb geli doona Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud, Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo maamuladda kale ee dalka ka jira.

Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey waxaan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen wadooyinka muhiimka ah ee ka yimaada Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ilaa xarunta Villa Soomaaliya.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Puntland oo ka waramaya u jeedka safarkiisa ku aaday magaalada Muqdsho

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/auirlwdnhy/gaasmuqdisho.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online