Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha DFS oo gaaray Baladweyne
February 22, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Labada Madaxweyne ayaa goordhow ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey madaxda Maamulka gobalka kan Degmada B/weyne ,saraakiil ka tirsan DFS , kuwa AMISOM iyo dadweyne faro badan.
Ammaanka magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa si weyn u adkeeyey ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM iyo waxaana la gebi ahaanba la hakiyay isku socodka gawaarida.
Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa kulan la qaadan doona ciidanka AMISOM gaar ahan kuwa Jabuuti isaga oo khudbad dhiiro galin ah u jeedin doona.
A/Cawale
Halgan.net