Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madaxda Federaalka iyo Ra’iisal wasaarihii hore C/wali Sheekh.[Masawiro]

February 5, 2015 - Written by Editor

IMG_1637Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maalintii labaad ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa waxaa uu uu la qaatay kulamo kal gedisan Madaxweynaha DF ee Soomaaliya, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane. Cabdiweli Sheekh, Iyo Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Dr.Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake.

Madaxweynaha oo inta aanu bilaabin kulamadiisii saaka ayaa markii hore waxaa uu socod kusoo maray xaraunta madaxtooyada ee Vila-Somalia isaga oo u kuudh gelayey xaalada guud ee ciidamada madaxtooyada, kadibna intii uu lugeynayey askari askari ugacan qaaday ciidamadii goobihii uu marayey ku sugnaa.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu booqashadiisii saaka ka bilaabay guriga uu degan yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane. Cabdiweli Shiikh, halkaas oo uu kula qaatay kulan gaar ah oo is xogwaraysi ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib usii gudbay Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya, halkaas oo kulan Albaabadu u xidhan yihiin kula qaatay Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Madaxweyne Xasan Shiikh.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa kulan wada jir ah yeeshay Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Shiikh, Ra’iisal Wasaare CCC, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefuudii ay kala hogaaminayeed Madaxweynayaasha Maamulada Jubba-Lan Iyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo kulankaasi furay ayaa waxuu uu sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay booqashada ay ku yimaadeen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas Iyo wufuuda kale ee ka timi maamul goboleedyada Jubba-Land Iyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu aad iyo ugu mahadsan yahay Madaxweyne Gaas sida uu usoo ajiibay martiqaadkii aan u fidiyey ee qorshihiisu ahaa in aan yeelano kulan wadatashi oo aan ka yeelano aayaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhankiisa sheegay in Soomaliya mudo 25 sano ay ku jirtay xaalad adag iyo jaah wareer siyaasadeed maantana la gaadhay xiligii aan uga tashan lahayn si wadajir waayo way adag tahay ayuu yidhi inaan keli keli u gaadhno hadafkeena, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi madashani waa madal wadatashi waxaan u baahanahay inaan is aamino isla tashano si dhab ahna ugu armino dalkeena iyo dadkeena.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dheer oo aad iyo aad u qiimo badan ka jeediyey madashii wada hadalka ayaa waxaa uu sheegay inuu aad iyo aad usoo dhaweynayo wado kasta oo loo marayo in la gaadho xal siyaasadeed oo waara oo lagu samata bixinayo shacabka dhibaataysan ee Soomaaliya

” way itaabanaysaa dhibaatada Soomaaliya ka jirtaa mar walba, shacabkeena iyo dalkeenaba dhamaan teen masuuliyad ayaa inaga saaran waa inaan keenaa xal waara, Puntland oo dhan ayaa ka xun dhibaatada Soomaaliya, markasta Puntland waxay u taagan tahay midnimada Soomaaliya markastana waa sii wadaynaa, markaaas waxaa la inooga baahan yahay inaan isla tashano, masuuliyada wadaagno, isu tanaasulo, lana tartanona khayrkeen, sidaas ayaan qaranimadeenii luntay kusoo celin karnaa” sidaas waxaa yidhi Madaxweyne Gaas.

no images were found

Gebebadii kulnakii wadatashiga ee maanta ayaa waxaa kasoo baxay in la sameeyo gudi farso oo ka kooban sideed xubnood kuwaas oo ka soo talo bixin doona qodobo afar ah oo lagu heshiiyey in go’aan wada jir laga wada qaato, si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyey Soomaaliya.

Qodadii gudiga maanta loo saaray ayaa waxay kala ahaayeen:-

1. HIIGSIGA SANADKA 2016

2. BARNAAMIJKA HIMILDA CUSUB ( NEW DEAL)

3. DHISIDA CIIDAMADA QARANKA SOOMAALIYA

4.ABUURIDA KALSOONIDA

Weli waxaa socda kulamada gaar gaarka ah iyo wadahadala uu la yeelanayo Madaxweyna Dawladda Puntland Dr. Gaas masuuliyiinta sarsare ee Soomaaliya, waxaana la dhowrayaa in heshiis buuxa laga gaadho qodobadaasi afarta ah ee lagu heshiiyey in laga wada xaajoodo, kadibna la soo saaro warsaxaafadeed wada jir ah saacadaha fooda inagu soo haya.

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha
Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Faafin Halgan.net.

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online