Madaxweyne Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe (Masawiro)

February 7, 2015 - Written by Editor

IMG_3381Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7-2-2015 dib ugu soo laabtay magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe kadib markii uu safar shaqo oo maalmo kooban qaatay uu kutagay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, Wasiiro, xildhibaano, waxgarad, aqoonyahano, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa siweyn madaxweynaha iyo waftigiise ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Gaas oo horey ugu sii gudbay xarunta madaxtooyada ayaa markii halkaasi gaaray waxaa uu la hadlay warbaahinta  waxaana uu sheegay in guul uu ugu soo dhammaaday safarkii shaqo ee uu ku tagey Magaalada Muqdisho.

” Niyad wanaag soomaali dhexdeeda ah oo la ‘abuuro anaga aad bey wanaag noogu tahay, aragtida dheer waa inay ahaataa mid ku salaysan in mar walba laga wada shaqeeyo awood qeybsiga, masuuliyada oo la qeybsado, fikirka oo laysku biiriyo taa weeye waxa aanu meesha u tagnay” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaa la abuuray madasha ay madaxdaasu isku aragtay in la joogteeyo shirarka, shirkaan shirka ku xigana waxaa uu ka dhici doonaa magaalada Garoowe bisha April waxaana laga sii ambaqaadi doona wixii hada laga wada hadlay, ha ahaato arrimaha nabad gelyada, ciidamada iyo hiigsiga 2016 ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Dawladd qurux badan oo soomaaliyeed waan aqaana sida ay u egtahay marka aniga nin ajnabi ah oo nayroobi xafiis ku leh in aniga uu wax ii yeeriyo oo wax ii sheego oo soomaalidu sida ay uwada hadlayso u yeeriyo waxa aanu ku dulownay weeye oo dawladnimadii soomaaliyeed iyo heybadii lagu dhumiyey waxaasna uma baahnin ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Hadaanu anagu soomaali nahay oo isu imaankarno, anagaa isu imaanayna anagaana wada hadlayna oo weliba wada tashanayna, beesha caalamkana waxa aanu anagu ka rabno anagaa u sheeganayna maahan iyagu in ay ninba dhegta wax ugu sheegaan ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

no images were found

Safarka uu madaxweyne Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ay ku tageen muqdisho ayaa waxaa ay kulamo la soo qaateen madaxda ugu saraysa dawladda dhexe ee soomaaliya waxaana ay kulamadaasina ku soo dhammaadeen guul iyo is afgarad.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online